Antonio Guterres Oo markale loo doortay Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobey

Berlin, Germany - November 04: Antonio Guterres, High Commissioner for Refugees of UNHCR, attends a press conference in german foreign office on November 04, 2015 in Berlin, Germany. (Photo by Michael Gottschalk/Photothek via Getty Images)

Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlibiyad leh u doortay Antonio Guterres inuu mar labad noqodo xoghayaha guud Jimcihii, isaga oo shan sano oo kale sii heyn doona hoggaanka golaha ay xubnaha ka yihiin 193 dal xilli dunida ay kala fogeynayaan khilaafaadyo badan.

Volkan Bozkir oo ah madaxweynaha Golaha Guud ayaa ku dhawaaqay dib u doorashada Guterres, kaddib markii Danjiraha Estonia ee Qaramada Midoobay Sven Jurgenson uu akhriyay qaraarkii ay qaateen 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka, kaas oo ay ku taliyeen in Guterres mar labaad la doorto.

Bozkir ayaa iska shalay u dhaariyay Guterres xoghaya guud.

Guterres ayaa ahaa musharraxa kaliye ee u taagnaa jagada ugu sarreysa ee Qaramada Midoobay, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsanyahay dib u doorashadiisa, isla markaana ay yididiilo siineyso taageerada ay u muujiyeenn waddamada caalamka.

Wuxuu sheegay inuu ka shaqeyn doono kahortagga wax kasta oo abuuri kara khilaafaad, isbedelka cimilmada, fakhriga iyo sinnaan la’aanta.

Dib u doorashada xoghayaha guud waxaa isla markiiba soo dhaweeyay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken iyo hoggaamiyaha Germany Angela Merkel.

Xigasho: AP.