C.C Warsame oo canbaareeyay habka loo xulayo Gudiyada Doorashada

“Waxaa Guddiga doorashada laga saaray Xaawo Aadan Yare Culusow oo lagu eedeyey in ay Farmaajo ka soo horjeedday, kana tirsanayd taageerayaasha mucaaradka. Dhinaca kale, ku dhowaad 20 ruux oo taageerayaasha Farmaajo ah iyo toboneeyo dharcad ah ayaa weli Guddiga ku jira. Haddii uu sidan ku soo baxo liiska guddiga, waxay tani mugdi gelinaysaa hufnaanta Guddiga iyo dhexdhexaadnimada Raysalwasaare Rooble”Ayuu ku yiri C.C.Warsame qoraal uu bartiisa soo dhigay.

Todobaadyadii udanbeeyay waxaa isa soo tarayay dhaleecayn loosoo jeedinayay RW Rooble sida uu umaamulayo Gudiyads Doorashada ee lsga sugayo ku dhawaaqistooda.