Madaxweyne Biden oo Saxiixay Sharci cusub

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa saxiixay sharci ka dhigaya maalin fasax ah 19-ka June, Juneteenth, si loogu maamuuso maalinkii la soo afjarey Addoonsiga dadka madow ee Mareykanka.

Wareegtadan madaxweyne Biden ayaa markii uu saxiixayey waxaa goob joog u ahaa qaar ka mid ah xubnaha Labada Aqal, waxaana tani ay tahay taariikh qormaysa oo wax ku ool u ah in lagu xasuusto taariikhda dadka madowga ah ee u soo halgamay in xor ay noqdaan dadka African-America ah sida dadyowga kale ee caddaanka ah.