Maxaa looga hadlay kulanka maanta ee Baarlamaanka Puntland ? (VIDEO)

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 48-aad Golaha Wakiillada DPL.

Ajanadaha kulanka oo ahaa dhageysiga warbixinnada Guddiyada, ayaa waxaa warbixinno ka jeediyey Golaha 4 Guddi oo kala ah:-

Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada.

Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha.

Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka.

Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta iyo Xiriirka caalamiga ah.

Warbixinnada ayaa ku saabsanaa kormeerro iyo xog ururin ay Guddiyadu ku soo sameeyeen hay’addaha dawliga ah ee ay korjoogtada ku leeyihiin.