Puntland oo soo bandhigaysa tirada codbixiyayaasha degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn

Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa shaaciyey in 27-ka bishan ay ku dhawaaqayaan Liiska dadweynaha isu diwaangeliyey doorashada qof iyo cod, diwaangelintii dhawaan ka dhacday degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufayn oo si hordhac ah doorasho qof iyo cod ah looga qabanayo markii ugu horraysay.