Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada-hadlay kordhinta tababarka Ciidanka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo ku sugan Magalada Antalya ee dalka Turkiga, ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiga, Mudane Mevlüt Çavuşoğlu.

Kulanka ayaa looga hadlay fursadaha iskaashiga laba geesoodka ah oo ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, iyo sidoo kale wadatashiyo ku saabsan arrimaha danta guud iyo in Turkiga uu kordhiyo tababarka uu siiyo Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa lagu lafa guray qaababka loo taageeri karo iskaashiga dhinacyada badan leh ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga si loo waafajiyo himilooyinka labada dal.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa xilligaan ka dhaxeeya waxyaaabo badan oo ay kamid yihiin, dowladda Turkiga oo dowladda Soomaaliya u tababarta Ciidamo farabadan, kuwaas oo dagaal kula jira Al-Shabaab.