Taliyaha Ciidanka Daraawiish-ta Puntland oo faray Ciidanka Amniga inay heegan galaan (VIDEO)

Taliyaha Ciidanka Daraawiish-ta Dowladda Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere, ayaa amray laamaha Amniga Puntland inay galaan heegan buuxa, si loo xaqiijiyo Amniga deegaanada Puntland.

Gen. Yaasiin Cumar Dheere oo saxaafadda kula hadlayay Magaalada Boosaaso ayaa sheegay in Amniga Boosaaso uu aad wanaagsan yahay, loona baahan yahay in la xoojiyo howlgalada ka dhanka Argagixisada.

Taliyaha Ciidanka Daraawiish-ta Puntland ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu ka hadlayay kormeer wadajir ah oo ay sameeyeen Wasiirka Amniga Puntland iyo Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari.

https://fb.watch/6eR8F5D5zS/