XOG: DFS oo loo diiday inay qaado dhaawaca Col. Saney Cabdulle

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa loo diiday inay qaado dhaawaca Col. Saney Cabdulle, oo kamid ahaa Askartii iyo saraakiishii ku dhaawacmatay weerarkii ay jimcihii ku qaaday Kooxda Al-Shabaab saldhig ay Ciidanka Xoogga Dalka ku lee yihiin Deegaanka Biyo Cadde ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Idilnews u sheegay in Ehelada iyo Siyaasiyiinta Beesha uu ka dhashay Col. Saney Cabdulle ay ka horyimaadeen qorshe ay waday DFS, kaas oo ahaa in Saney lagu daaweeyo Isbitaalka Digfeer ayna gacanta ku heyso xaaladiisa Caafimaad Dowladda.

Ehelada iyo Siyaasiyiinta Beesha ayaa u sheegay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf in aysan aqbaleyn in Col. Saney gacanta loo galiyo Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo diyaarad khaas ah u diray dhaawaciisa, ayna ka suurowdo inay sumeeyaan.

Col. Saney Cabdulle ayaa kamid ahaa saraakiishii hoggaaminaysa Ciidanka Badbaado Qaran oo ka horyimid muddo kororsigii Farmaajo, waxaana haatan lagu dabiibayaa gurigiisa Muqdisho, iyadoo xaaladiisa caafimaad la sheegay inay wanaagsan tahay.

Idilnews