Baarlamaanka Puntland oo maanta yeeshay kulan muhiim ah (VIDEO)

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 6-aad ee Kalfadhiga 48-aad Golaha Wakiillada DPL.

Ajanadaha kulanka oo ahaa dhageysiga warbixinnada Guddiyada, ayaa waxaa warbixinno ka jeediyey Golaha 4 Guddi oo kala ah:-

  1. Guddiga Hawlaha Guud, ganacsiga iyo Kaabayaasha dhaqaalaha Golaha Wakiillada DPL
  2. Guddiga dhowrista Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah Golaha Wakiillada DPL
  3. Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada DPL
  4. Guddiga Xuquuqda Aadanaha, Arrimaha Qoyska & Horumarinta Haweenka Golaha Wakiillada DPL.

Warbixinnada ayaa ku saabsanaa kormeerro iyo xog-ururin ay Guddiyadu ku soo sameeyeen hay’addaha Dawliga ah ee ay korjoogtada ku leeyihiin.

Intaa ka dib, Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL ayaa loo qeybiyey Hindise Xeereedka Xarunta Maareynta Macluumaadka Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka Dawladda Puntland, iyadoo lagu wareejiyey guddiga dhawrista Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah si ugu sameeyaan akhrinta labaad.