Booliska Nigeria oo toogtay 14 Nin oo hubeysan

Booliska Nigeria ayaa dilay 14 dabley ah kadib markii ay weerar hubeysan kusoo qaadeen  saldhig boolis oo kuyaala bartamaha gobolka Benue ee dalka Nigeria, sida ay baahisay Warbaahinta dalkaas.

Afhayeen u hadlay booliska Benue, Catherine Anene, ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in koox dabley ah oo tiradooda lagu qiyaasay 50 ay weerar ku soo qaadeen saldhig boolis oo ku yaal magaalada Katsina-Ala ee gobolka, si ay u sii daayaan qaar ka mid ah  Kooxo burcad ah.

“Hawl-wadeennada qaybta bilayska, oo markii horeba heegan ahaa, ayaa dagaalyahannada la galay dagaal culus,” ayay tiri Anene, iyada oo intaa ku dartay in 14 ka mid ah dableydii la halka kuwa kalena ay la baxsadeen, iyaga oo dhaawac ah.

Waxay sheegtay in Saraakiisha  booliska ay ku raad joogaan dableydii baxsatay, waxayna ku boorisay dadka deegaanka inay booliska ka caawiyaan macluumaadka kooxahaas.

Dalka Nigeria ayaa waxaa ka dhacay weeraro xiriir ah oo ay soo qaadeen kooxo hubeysan bilihii la soo dhaafay. Waxa kale oo ka dhacay dhacdooyin soo noqnoqday oo ah dhaca xoolaha iyo burcadnimada hubeysan.