Dadweynaha Itoobiya oo saaka u dareeray doorashada Guud

Doorashadii 6-aad ee guud ee Itoobiya ayaa  ka bilaabatay subaxnimadii hore ee saaka  meelo badan oo dalkaas, marka lag reebo dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Dadweyne farabadan ayaa buux dhaafiyay goobaha codbixinta laga bilaabo subaxa hore, waxayna sugayeen markooda si ay uga qeyb galaan howlaha codbixinta taariikhiga ah.

Dadka ku nool magaalooyinka Jimma iyo Agaro ayaa durba bilaabay inay codkooda dhiibtaan iyadoo degmooyin badan ay durba albaabada u fureen codbixiyeyaasha. Codbixiyaasha magaalooyinka Adama iyo Debre Birhan iyo Waqooyiga Shewa Zone ayaa bilaabay inay dhiibtaan codkooda.

Boqolaal kun oo cod bixiyayaal ah oo ku nool magaalooyinka waaweyn oo ay ka mid yihiin Addis Ababa iyo Dire Dawa ayaa dhiibtay codadkooda, iyada oo  Caalamka uu isha ku haayo ka qaybqaadashada doorashada ka socota Itoobiya.

Kormeerayaasha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah iyo warbaahinta ayaa jooga goobaha codbixinta ee dalka Itoobiya oo dhan.

About the Author

Jibril Qoobey
(ISBITALKA )GMC- HOSPITAL DHAGACADE. Kabilowdey Qaliimo losamenayo Qaar Kamidah Ciidanka ku Xaraysan Xerada General Carays ee Deegaanka Godod. Qaliinada Losamenayo Ciidanka waxa iska Kashanaya Musharax Duqa Dagmada Galkacyo Cawil Cabdile iyo (ISBITALKA )GMC- HOSPITAL. DHAGACADE. Waxa Qaliinada Fulinaya .Dhaqatirta kala Ah. DR Maizid iyo DR Cabdale Horeeye. Qaliinadan manta kabilowdey Isbitalka GMC HOSPITAL DHAGACADE . Waxa Goobjoog ka ahaa musharax Duqa Dagmada gaalkacyo mudane Cawil Cabdile iyo sido kale Taliyaha Ciidanka Darawiishta gobolada mudug iyo Ceyn ee Puntland mudane Sharmake shiikh doon iyo . Agasimaha Isbitaalka GMC- mudane Maxamed Cabdirisaaq warsame iyo masuuliyen kale.