Qaxooti kasoo cararay colaada Dalka Yemen oo soo gaaray Puntland (Sawirro)

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa xalay kusoo dhaweeysay Dekedda magaaladda Boosaaso Qaxooti Yemeniyiin ah  Iyo Soomaali dalka dib ugu soo laabtay, kuwaas oo kasoo cararay colaada ka holcaysa weli Dalka Yemen.

Qaxootigan oo tiro ahaan gaaraya 80 Qoys ayaa u badan Haween iyo Carruur, waxaana loo gudbiyay xarumo ay Wasaaraddu gacanta ku heyso oo dib u dajin loogu sameyn doono.

Imaanshaha Qaxootiga ee magaaladda Boosaaso ay kusoo aadaysa xilli Axadii Adduunka looga dabaal-degayay maalinta caalamiga ah ee Qaxootiga. Waxaana Puntland ay kamid tahay meelaha xuskan lagu qabtay.