Safiirka Itoobiya oo booqday xarumaha Wasaaradaha Puntland ee Garoowe (Sawirro)

Safiirka cusub ee Dowladda Itoobiya usoo magacowday Soomaaliya Cabdifataax Cabdullaahi Xasan oo booqasho rasmi ah ku yimid Caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa maanta booqasho ku tagay qaar ka mid ah xarumaha wasaaradaha Dowladda Puntland, sida wasaaradda Arimaha gudaha Faderaalka iyo Dimuqraadiyeynta, Deegaanka, Beeraha iyo isbadalka Cimilada, Caafimaadka iyo Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Safiirka ayaa xarumahaas ku soo arkay horumarka dowladda Puntland ay ka gaartay hay’adaha kala duwan ee dowladda, waxana wasiiradii halkaasi ku soo dhaweeyay ay tuseen siyaasadaha iyo agabka kale ee wasaaraduhu leeyihiin iyo horumarka ay sameeyeen mudada ay jireen iyo guud ahaan siday ugu diyaarsan yihiin ka qayb qaadashada horumarinta dowladnimada Soomaaliya