Shir looga hadlayo Hormarinta shaqaalaha Puntland oo lagu qabtay Garoowe (Sawirro)

Madaxtooyada Dowladda Puntland waxaa maanta ka qabsoomay shir u dhexeeya Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradda, Madaxa hay’adaha Dowlowliga ah, agaasimayaasha Maamulka iyo lacagta iyo Agaasimayaasha shaqada iyo shaqalaha ee Wasaaraddaha iyo hay’adaha Dowliga ah ee Dowladda Puntland iyo gudiga dib-u-eegista iyo tirakoobka shaqalaha ee uu magacaabay madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay xogaha iyo guulaha laga gaaray dib-u-habeynta, tirakoobka iyo qiimaynta shaqaalaha rayidka ah ee hada shaqada ku jira ee Puntland u diwaangashan waxaana lagu gorfeeeyey sidii sare loogu qaadilahaa aqoonta, xirfadaha iyo sare u qaadista xuquuqda shaqaalaha rayidka.

Shirka saacado badan qaatay ayaa la isla qaatay in si wadajir ah loo anbaqaado horumarinta shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda guddiga ayaa maanta ku dhawaaqay xilliga rasmiga ah ee la kordhinaayo mushaarka shaqaalaha oo ku beegan bisha 8,aad ee sanadkan waana markii kowaad ee la kordhinaayo mushaarka iyo xuquuqda shaqaalaha rayidka tan iyo assaasiskii Dowladda Puntland 1998.

Xukuumadda uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane H.E Said Abdullahi Deni ayaa waxa ay horay ugu guuleystay kordhinta mushaarka iyo xuquuqda Ciidanka ayaaa haatan soo gabagabsay wajiga kowaad ee dhamaystirka mushaarka shaqaalaha midaas oo ahmiyad wayn u leh dadka reer Puntland gaar ahaan Shaqaalaha Dowladda u shaqeeya.

Shaqaalaha oo hela mushaar ku filan waxa ay qaybka tahay horumarka iyo jihaynta Dowladda Puntland ay ku talaabsatay.