Shirka Madasha Hormarinta Beeraha Soomaaliya oo ka furmay Garoowe (VIDEO+Sawirro)

Waxaa maanta xarunta dhexe ee wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada dawlada Puntland ka furmay shirka madasha horumarinta Beeraha Soomaaliya oo ay kumidaysanyihiin wasaaradaha Beeraha ee dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Wasaaradaha Beeraha ee dawladaha xubnaha ka ah dawlada Federaalka ah iyadoo shirkan ay kasoo qaybgaleen agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha Beeraha.

Madasha oo ay si wadajir ah u fureen agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha iyo Waraabka iyo agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada dawlada Puntland waxaa xooga lagu saarayaa sidii loo midayn lahaa howlaha shaqo, mudnaansiinta, iskudabaridka iyo xiriirka ka dhexeeya madasha taas oo looga gol leeyahay in lagaaro hadafka guud ee madasha oo ah in la mideeyo danaha beeralayda Soomaaliyeed lana biritaaro waxsoosaarka dalkeena.