VIDEO: Shirka Dib-u-eegista Manhajka Booliska Puntland oo ka furmay Garoowe

Qaar kamida Golaha Wasiirada Puntland,Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Gen Cabdi Xasan Xuseen {Cabdi Yare} Xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland,Gudoomiyaha Xuquuqul insaan Puntland iyo Saraakiil kamida Booliska ayaa ka qayb galay munaasabad lagu furayay shirka kuwaas oo isaga kala yimid Gobolada Puntland.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Gen Cabdi Xasan Xuseen {Cabdi Yare} wuxuu saraakiisha ku booriyay inay si wanaagsan uga qayb qaataan Shirka dib u eegista Manhajka Booliska Puntland oo muhiimad gaar ah u leh Booliska.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Amniga Puntland Cabdullaahi Cabdi Salaan iyo Masuuliyiintii Dowlada ee munaasabadda ka hadashay ayaa Saraakiisha ku la dardaar may inay kamira dhaliyaan casharada ay qaadanayay mudada uu Shirka socdo iyagoona shirka furay.