VIDEO: Xiriirka Kubadda cagta Soomaaliya oo dhaleeceyn wajahaya

Xiriirka kubada cagta ee Soomaaliya ayaa wajahaya dhaliilo xoogleh markii Xulka Qaranka uu Xalay guul darro kala kulmeen dhiggooda Oman kulankoodii ugu horreeyay ee Tartanka FIFA Arab Cup.

Kabtanka Xulka Qaranka ayaa laga soo xigtay in Muddo 18 bilood ah wax tababarro ah aysan qaadan, Balse labadii maalmood ugu dambeysay ay 2-jeer tababar sameeyeen.

Guddoomiyaha xiriirka ayaa horay loogu eedeeyay wax isdaba marin, Lunsasho dhaqaale iyo eedo la xiriira habka loosoo xulo ciyaartoyda Qaranka ku matalaya tartamada caalamiga ah.

Wasaaradda Ciyaaraha ee Soomaaliya ayaana la filaya talaabada xigta ee ay qaadi doonto.