XOG: Maxaa ka jira in Cali Dheere loo qaaday Dalka Qatar ?

Ilo-wareedyo sirdoon oo lagu kalsoonaan karo, ayaa sheegaya in Afhayeenka kooxda Al-Shabaab Cali Dheere, oo aad ugu xanuunsanaya cudurka kansarka loo qaaday Dalka dibeddiisa.

Saraakiil dhanka Sirdoonka ah ayaa u sheegay Idilnews in Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin uu u sahlay Kooxda Al-Shabaab inay hesho cadeymaha Hay’adda Socdaalka iyo Fiisaha lagu qaaday Cali Dheere oo haatan la geeyay Dalka Qatar.

Xogaha Sirdoon ee la xariira xanuunka Cancer-ka ee ku dhacay Af-hayeenka Al-Shabaab Cali Dheere iyo qaadistiisa Qatar, ayaa sii kordhayay maalmihii ugu dambeeyay, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab iyo DFS oo ku aadan xanuunka Cali Dheere.

Idilnews