Abiy Ahmed oo sheegay in Ciidanka Sudan iyo Eritrea laga saarayo Itoobiya

Ra’iisal wasaaraha Itooobiya, Abiy Ahmed, ayaa sheegay in ciidamada dalalka Sudan iyo Eritrea ay ka shaqeynayaan sidii looga saari lahaa dalkiisa.

Kal hore waxaa laga war qabey un in gudaha Itoobiya ay kusugan yihiin ciidamo ka socda Eritrea, kuwaasoo ka barbar dagaalamayey ciidamada dowladda Itoobiya.

Waxaa haatan soo shaac baxay in ciidamo kale oo ka socda dalka Sudan iney iyaguna kusugan yihiin gudaha wadanka Itoobiya.

Khilaafka soohdinta ee labadda dal ee Sudan iyo Ethiopia, ayaa cirka isku shareerey, kadib markii sidoo kale dowladda Sudan ay codsatey in ciidamada nabad ilaalinta ee Itoobiyaanka ah, ee kusugan gudaha dalkeeda lagu badalo ciidamo kale.