Al-Shabaab oo qabsatay saldhig ay lahaayeen Ciidanka AMISOM

Kooxda Al-Shabaab ayaa la wareegtay deegaanka Marin Gubaay ee ka tirsan degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose, kaddib markii ay isaga baxeen Ciidanka AMISOM oo Deegaanka ku lahaa saldhig muddo dheer.

Saldhigan oo u jira 40-KM magaalada Baraawe ayaa ah goob muhiim ah oo ay ku yaalan ceelal ay xoolo dhaqatada xoolahooda ka waraabiyaan. Ciidamada AMISOM ayaana waxa ay sheegeen in sababta ay uga baxeen Marin Gubaay ay tahay aag beddelasho Ciidan.

Guddoomiyaha Gobolka Sh/hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sheegay inay ahayd in ciidamada dawladda Soomaaliya ay beddelaan kuwa AMISOM balse aysan dhicin ayna u fududaatay Alshabaab inay si fudud fariisin uga dhigtaab Marin Gubaay.

Deegaano badan oo ka tirsan gobolka Sh/hoose ayaa sidan oo kale markii ay isaga baxeen ciidamada AMISOM waxaa la wareegay dagaalamayaasha Alshabaab.