Ciidanka DANAB oo howlgallo ku dilay xubno kamid ah Al-Shabaab

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa howlgallo kala duwan waxaa saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka oo ay fuliyeen Ururka 7-aad Guutada 16-aad ee Kumaandooska Xoogga dalka ee DANAB ayaa waxeey kasameeyeen degaano ay kamid yihiin , Sabuun, Baaroow Madiina cade , Gaaleef iyo Buurdheer, waxaana la sheegay in qasaaro lagu garsiiyay Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda aya aa sheegay in howlgalka lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo doonayay inay weeraro kageystaan degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgallada Ciidamada ay noqon doonan kuwa sii socda ilaa inta degaannada kala duwan ee Gobolka Shabeellaha Dhexe laga saarayo Ururka Al-Shabaab.

Howlgalkan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan degaanka Biya-cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ay Al-Shabaab ku qaadeen weerar ismiidaamin ah, kaas oo ay ku dhinteen Afar askari,isla markaana uu ku dhaawacmay Taliyaha Guutada Afaraad ee qeybta 27aad Korneyl Saneey Cabdulle