Dalal kamid ah Afrika oo iska kaashanaya soo saarista talaalka COVID-19

Dalal kamid ah Qaarada Africa ayaa ku dhawaaqay inay iska kaashanayaan saameynta soo saarista talaalka cudurka COVID-19, kaas oo saameyn balaaran ku yeeshay dunida.

Wadamada Masar, Nigeria, Koonfur Africa, Algeria, Senegal iyo Morocco, ayaa sheegay inay iska kaashanayaan soo saarista talaalka COVID-19, si ay bulshada Qaarada Africa u helaan talaal ku filan.

Talaabadan ayaa timid kaddib markii uu is dhimay talaalkii cudurka COVID-19, ee Africa uga imaan jiray dalalka Caalamka.

IdilnewsÂ