Guddoomiyihii dhalinyarada Gobalka Hiiraan oo la dilay

Guddoomiyihi Dhallinyarada Gobolka Hiiraan Faarax Cabdi Cali oo looyaqiinay Faarax dirir ayaa xalay fiidkii lagu dilay magaalada Baledweyne, Dilka gudoomiyihii dhalinyarada ayaa ka dhacay maqaaxi shaaxa laga cabo oo ku taal xaafada Xaawo Taako gaar ahaan laanta Nuurxawaad.

Waxaa sidoo kale goobta lagu dhaawacay 3 qof oo ku sugnaa Makhaayadda uu gadhiyay Marxuumka la dilay.

Maleeshiyaadkii dilka geeysatay ayaa ka baxsaday goobta uu dilka ka dhacay waxana dilka kadib goobta tagay ciidamada dowlada.

Idilnews