Mareykanka oo ka horyimid Doorashada Dalka Itoobiya

Dowladda Mareykanka ayaa si weyn uga hortimid Doorashada Isniintii ka bilaabatay Dalka Itoobiya, ee uu qabtay Maamulka Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed Ali.

Qoraal kasoo baxay Guddiga Arrimaha Dibedda ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa lagu sheegay in marka loo eego kalsooni darada ka dhex jirta saamileyda siyaasadda Itoobiya iyo colaada ka huraya dalkaas, sida dagaalka Tigreega ay doorashadani tahay mid kale oo lagu kala qeybinayo Bulshada Itoobiya.

“Mucaaradka siyaasadeed si buuxda ugama qeybqaadan doonaan waxaana xuquuqdoodii laga qaaday malaayiin Itoobiyaan ah, Marka la eego khilaafka ka socda Tigray iyo rabshadaha ka qarxaya meelo kale oo ka mid ah Itoobiya, doorashooyinkaasi waxay noqon karaan ilo kale oo kala qaybin ah oo meesha ka saaraya kalsoonidii iyo midnimadii qaran ee aadka loogu baahnaa.” Ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Guddiga Arrimaha Dibedda ee Congress-ka Mareykanka.

Idilnews