Ra’iisul Wasaare Rooble oo casuumaad u diray Madaxda Dowlad Gobaleedyada

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda xil-gaarsiinta ah DFS Maxamed Xuseen Rooble  ayaa ku casuumay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka.

Shirka Sabtida ka dhacaya Muqsisho, kaas oo la isaga wareysanayo howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan.

Kulankaan ayaa lagu waddaa in ay kasoo qeyb galaan dhammaan Madaxda maamulada , waxaana loogu gaari doona Arimo muhiim ah.