Wasaaradda Maaliyadda iyo Ganacsatada Puntland oo is afgarad gaaray (Sawirro)

Shir muddo u socday mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland iyo ganacsatadda Puntland ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Garoowe.

Shirkan ayaa ku soo dhammaaday jawi is afgarad ah iyadoo ay ka soo baxeen go’aamo lugu xaqiijinayo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo ballan qaadyo ay kala qaateen labada dhinaca.

Shirkan waxaa Gudoominaayay Wasiir ku xigeenka Maaliyadda ahna sii haya Xilka Wasiirka Mudane Cumar Xasan Fiqi, oo ay weheliyaan Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdi Ibraahim Warsame Qawdhan iyo Masuuliyiinta kule.

Ganacsatadda ayaa xustay in loo baahan yahay horumarinta adeegga cashuur bixiyaha, kor u qaadista wacyigalinta bulshadda iyo horumarinta adeeggyada aasaasiga ah ee bulshaddu u baahan tahay.

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa u mahadcelisay dhammaan ganacsatadda sida wanaagsan oo ay u joogteeyaan bixinta cashuuraha kala duwan, sidoo kalena ay u balan qaadeen joogtaynta ka qayb qaadashadda arrimaha dhaqaalaha iyo horumarinta dalka ay door weyn uga qadan lahaayeen.