Wasiirka cusub ee Warfaafinta Jubbaland oo xilkii la wareegay (Sawirro)

Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, aya ka qeybgalay Munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee wasaaradda Warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha Jubbaland.

Munaasabaddan oo ka dhacday xaruntii Hore ee wasaaradda warfaafinta ayuu maanta si rasmi ah xilkaasi kula wareegay wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha ee Jubbaland Mudane Salebaan Maxamed Maxamuud.

Wasiirka cusub ee wasaaradda boostada iyo Isgaarsiinta Jubbaland Mudane Cabdirashiid Maxamed Ducaale oo kusime ka ahaa wasaaraddan oo kal hore xilkeeda ku wareejiyay wasiirkii hore ee labadan wasaaradood isku hayay Eng. Cabdi Xuseen ayaa maanta ku wareejiyay xilka wasaaradda warfaafinta wasiirka cusub ee wasaaraddaasi Mudane Salebaan Maxamed Maxamuud.

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo xilalka ukala wareejinayay masuulitiintan ayaa kula dardaarmay wasiirka cusub in uu dardar geliyo wasaaradda, isagoo ugu duceeyay in Alle u fududeeyo masuuliyadda loo dhiibtay.