Akhriso: Labo qodob oo looga doodi doono Shirka sabtida ee Golaha Wada-tashiga Qaran

Golaha wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka ayaa kulan deg deg ah yeelan doona sabtida soo socota, sida uu Iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews in Shirka oo yimid kaddib kulan ay aalada ZOOM ku yeesheen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada habeen kahor, ayaa looga doodi doonaa Labo qodob, kuwaas oo kala ah;

1: Dib-u-eegista tirada deegaan doorasho ee Dowlad Gobaleedyada. Qodobkan oo ah midka dooda ugu adag ka dhalan doonta ayaa waxaa dabada ka riixaya Jubbaland iyo Hirshabelle oo garabyo ka heysta Puntland, waxaana ay ku doodayaan in hal deegaan lagu soo koobo Doorashada, maadama aysan macquul aheyn in doorasho haatan lagu qabto Gobalada Gedo iuo Hiiraan.

2: Muddo kordhin loo sameeyo waqtiga lagu qabanayo Doorashada. Qodobkan ayaa ah mid uu si weyn u riixayo Ra’iisul Wasaare Rooble, oo doonaya inuu helo waqti dheeraad ah oo Xukuumadda xil-gaarsiinta ah Dalka kusii hoggaamiso iyo in muddo xileedkiisu gaaro hal sanno.

Idilnews