Al-Shabaab oo faagare ku toogatay Maxamed Calasoow

Ururka Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa ay goob fagaare ah ee deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan xukun dil toogasho ah kula fuliyeen Nin lagu eedeeyay inuu horey u dilay hooyadiis iyo walaalkiis.

Ninka la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Calasoow Cabdi, isagoona horey gowrac ku dilay hooyadiis Xaliimo Cusmaan Cumar oo 72 sana jir aheyd iyo walaalkiis Macallim Maxamuud Calasoow Cabdi.

Al-shabaab ayaa sheegtay in falka uu Maxamed Calasoow ku gowracay hooyadiis iyo walaalkiis ay ka argagaxeen dadka deegaanka uu falkaas ka dhacay oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ee Bartamaha dalka Soomaaliya.