Baarlamaanka Galmudug oo maanta kulan yeeshay (Sawirro)

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta kulan koodii caadiga ahaa ku yeeshay Xaruntooda Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug

Kulanka maanta Xildhibaanada ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayna wehlineysay Gudoomiye ku xigeenka 2-aad Marwo Faadumo Cabdi Cali

Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa,

  1. Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Miisaaniyadda Galmudug 2021.
  2. Bandhiga iyo Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Kaluumeysiga Galmudug.

Wasiir Dowlaha Wasaarada Kaluumeysiga Galmudug ayaa Xildhibaanada Galmudug kahor sheegay muhiimada sharcigaan u leeyahay kaluumeysiya Galmudug

Sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta ka dooday wax ka badalka miisaaniyada Galmudug oo uu Wasiirka Maaliyada Galmudug shalay horkeenay Baarlamaanka Galmudug

Kahor inta uusan xirmin kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa Golaha u qorsheysan meelmarinta shuruuc muhiim u ah Galmudug oo ay ku shaqeyn lahaayeen hay,adaha dawliga ah iyo Wasaaradaha Galmudug.”