Garoonka caalami ah oo ku yaal Dowlad Deegaanka Soomaalida oo xiran

Garoonka diyaaraha magaalada Qabri Dahare ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa dhismihiisa waxaa ku baxey labaatan milyan oo Doolar, ha yeeshee ma jiraan duulimaadyo yimaada ama ka baxa.

Horraantii bishii June, 2016-kii ayey aheyd markii Qabri Dahare lgau qabtey munaasabad si balaaran loosoo aggaasimey, taasoo lagu furey garoonka diyaaradaha ee magaalada, iyadoo ay kasoo qeyb galeen madaxda maamulada heer deegaan iyo heer federaalba ee dalka Itoobiya ee waqtigaas.

Garoonkan ayaa si casri ah loo dhisay, iyadoo qarashka lagu hirgaliyey uu bixiyey maamulkii hore ee deegaanka Soomaalida, ee uu hoggaaminayey madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.

Shan sano kadib, garoonkan ayaa haatan bixineyn wax adeeg ah, tan iyo intii la hakiyey guud ahaan duulimaadyadii dalkani bilawgii sanadkii hore ee 2020-ka caabuqa corona virus awgiis.

Inkastoo dib loo furey duulimaadyadii gudaha ee Itoobiya, marka laga reebo magaalada Qabri Dahar, oo shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines ay ku sheegtay iney u joojisay duulimaadyada Qabri Dahare rakaab la’aan, sida uu BBC-da u xaqiijiyey Maxamed Yusuf Rooble, wasiir kuxigeenka madaxtooyada ee maamulka deegaanka Soomaalida.

Hadalka ka yimid shirkadda waxaa si weyn ugga horyimid shacabka ku dhaqan magaalada Qabri Dahare, oo aan aamin saneyn in rakaab yari ay ka jirto magaalada, oo xarun u ah tobanka degmo ee hoos yimaada gobolka Qoraxeey.

Idilnews