Istaraatiijiyada 3-aad ee Xafiiska difaacaha xuquuqda Aadanaha ee Puntland oo lasoo bandhigay (VIDEO)

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta daah-furay shirka baahinta qorshaha Istaraatiijiyada 3-aad ee Xafiiska difaacaha xuquuqda Aadanaha ee Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee uu qabtay xafiiska difaacaha xuquuqul Aadanaha ee Puntland, isagoo sheegay in Dowladda Puntland ay ka go’antahay xoojinta Xafiiskan oo ah kan keliya ee si dhameystiran u shaqeeya Soomaaliya.