Kooxdii dishay Jamal Khashoggi oo qaarkood lagu tababaray Mareykanka (WARBIXIN)

Afar Sucuudi ah oo ku lug lahaa dilkii wariyihii Washington Post ee sanadkii hore Jamal Khashoggi ayaa tababar qaas ah ku qaatay Mareykanka sanadkii la soo dhaafay sida lagu daabacay New York Times.

Tababbarka waxaa bixiyay Tier 1 Group, oo ay leedahay shirkadda gaarka loo leeyahay ee Cerberus Capital Management, wuxuuna ahaa mid difaac ku jira oo loogu talo galay in lagu ilaaliyo hoggaamiyeyaasha Sacuudiga, sida ay qortay Times.

Afhayeenka waaxda arrimaha dibedda Maraykanka Ned Price ayaa sheegay in sharciga hoostiisa wasaaraddu aysan ka hadli karin wax kasta oo ruqsad shati haysta.”

Khashoggi, oo deganaa Mareykanka oo wax ku qori jirey Washington Post ayaa lagu dilay oo lagu jarjaray qunsuliyadda boqortooyada ee Istanbul bishii Oktoobar 2018.

Warbixin sirdoonka Mareykanku soo saaray bishii Febraayo ayaa lagu sheegay in amiirka dhaxalka leh uu ogolaaday hawlgal lagu soo qabanayo ama lagu dilayo saxafiga.

Madaxa sare ee Cerberus Louis Bremer ayaa xaqiijiyay doorka shirkadiisa ee tababbarka afar xubnood oo ka tirsan kooxda dilka Khashoggi sanadkii hore jawaabo qoraal ah oo ku saabsan su’aalaha xubnaha Congress-ka.

Bremer wuxuu yiri Waaxda Arimaha Dibada ee Mareykanka iyo wakaaladaha kale ee dowlada ayaa mas’uul ka ah kala shaandheynta ciidamada shisheeye ee lagu tababaray ciida Mareykanka.

Warbixinta New York Times ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in saraakiisha Mareykanka ah ee ansixiyay tababarka, ama howl wadeenada Tier 1 Group, ay ogaayeen in Sacuudiga ay ku lug lahaayeen xasuuqii ka dhacay gudaha Sacuudiga.

Madaxa sare ee Cerberus Louis Bremer ayaa xaqiijiyay doorka shirkadiisu ku leedahay tababbarka afar xubnood oo ka tirsan kooxda dilka Khashoggi sanadkii hore jawaabo qoraal ah oo ku saabsan su’aalaha xubnaha Congress-ka.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in ruqsad siinta tababarka milatariga ee ilaalada Boqortooyada Sacuudiga ay markii ugu horeysay soo saartay Waaxda Arimaha Dibada sanadkii 2014, xiligaas oo uu jiray madaxweynihii ka horeeyay Trump, Barack Obama.