Saddex qof oo lagu dilay goob codbixin oo ku taal Itoobiya

Ugu yaraan sadex qof ayaa la dilay kaddib markii weerar lagu soo qaaday goob codbixin ah oo 160 km u jirta magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya isla markaana u dhow hoyga ra’iisal wasaare Aby Ahmed .

Sarkaal ka tirsan guddiga doorashada ayaa  sheegay in dadkaasi la dilay maanta ay kala yihiin nin boolis ah, xubin ka tirsan maleeshiyo iyo sarkaal maxali ah.

Dabley hubeysan ayaa rasaas ku furay dad ku sugnaa goobta codbixinta ee deegaanka Liban Jawwi oo qiyaastii 50 km u jirta magaalada Ambo.

Dadka weerarka soo qaaday ayaa sheegay in doorashada aysan u dhicin si hufan, isla markaana ay tahay inay carqaladeeyaan hanaanka doorashada.

Magaalada Ambo waxay ka tirsantahay gobolka Oromia, halkaas oo xisbiyada mucaaradka ay ku baaqeen in la qaadaco doorashadii ka dhacday

About the Author

Jibril Qoobey
(ISBITALKA )GMC- HOSPITAL DHAGACADE. Kabilowdey Qaliimo losamenayo Qaar Kamidah Ciidanka ku Xaraysan Xerada General Carays ee Deegaanka Godod. Qaliinada Losamenayo Ciidanka waxa iska Kashanaya Musharax Duqa Dagmada Galkacyo Cawil Cabdile iyo (ISBITALKA )GMC- HOSPITAL. DHAGACADE. Waxa Qaliinada Fulinaya .Dhaqatirta kala Ah. DR Maizid iyo DR Cabdale Horeeye. Qaliinadan manta kabilowdey Isbitalka GMC HOSPITAL DHAGACADE . Waxa Goobjoog ka ahaa musharax Duqa Dagmada gaalkacyo mudane Cawil Cabdile iyo sido kale Taliyaha Ciidanka Darawiishta gobolada mudug iyo Ceyn ee Puntland mudane Sharmake shiikh doon iyo . Agasimaha Isbitaalka GMC- mudane Maxamed Cabdirisaaq warsame iyo masuuliyen kale.