Sawirro: Dhismaha Golaha deegaanka degmada Jariiban oo socota

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland Maxamed Musadaq Maxamed, Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka Puntland, iyo Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur, ayaa saaka u fariistay Wajigii 2aad ee Shirka Dhismaha iyo soo xulista Golaha Deegaanka Degmada Jariiban.

Sidoo kale, Shirkaan waxaa goob joog ahaa, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha, Agaasimaha Waaxda Dowladaha hoose, Xildhibaan ka tirsan Puntland iyo Isuduwaha Wasaarada Arimaha Gudaha Gobolka Mudug, Gudoomiyaha Degmada Jariiban, Nabadoono, Salaadiin iyo Odoyaal dhaqameed.