Qeybta qaliinka Isbitaalka Degmada Xaafuun oo la daah-furay (VIDEO+Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Jamac Farax Xasan oo uu wehelinayo wasiirka wasaaradda Biyaha iyo tamarta Iyo wasiiru dawlada wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta dhaqaalaha ayaa maanta degmada xaafuun oo ku taala bariga fog ee gobolka Bari qaybta qaliinka ee Isbitaalka Degmada Xaafuun.

Waxaa hirgalinta qaybtaan iska kaa shaday wasaarada Caafimaadka iyo Hay’adda Save the Children wuxuuna wax weyn ka badali doonaa baahidii dumarka ee fooshu ku adkaato iyo sidii lagu kala badbaadin lahaa, maadaama meel dheer loogu qaadi jiray sida magaalada Boosaaso iyo Qardho oo aad uga fog degmada.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr Jamac Farxax Xasan oo xaflada ka hadalay ayaa yiri “Waxaan ku faraxsanahay in maanta aan ka daahfurno Isbitaalka degmadda Xaafuun qaybta qaliinka hooyooyinka sida caadiga ah udhali waaya. Waxaan uga mahadcelinayaa hay’adda Save the Children oo mashruucaan hirgalisay waxaana rajaynayaa in muhiim uyeelan doono hooyada deegaanka ku nool oo dhibaato badan ka mari jirtay in loo qaado meel kale oo ka fog degmadda.”

Ugu danbeyn wasiirka ayaa bulshadda degmadda kula dardaarmay inay ilaashadaan kana faa’iidaystaan mashruucaan ka wasaaradda caafimaad ahaana ay si dhaw ula socon doonaan.