Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Safiirka Finland (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan sagootin ah la yeeshay safiirka sii baxaya ee Finland u jooga Soomaaliya Mr Erik lundberg.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyay kaalintiisii xoojinta xiriirka labada dal iyo doorka dowladda Finland ee dowlad dhiska Soomaaliya.