Shiinaha, Hindiya iyo Pakistan oo kordhiyay tirada Hubkooda Nukliyeerka

Warbixin ay soo saareen khuburro ka tirsan macadka caalamiga ah ee qaabilsan cilmibaarista arrimaha nabadda ee SIPRI ee fadhigiisu yahay Stockholm, ayaa lagu sheegay inuu kordhay hubka Nukliyeerka ee dalalka qaar ee adduunka ay haystaan.

Waxaan waddamadaas ka mid ah Shiinaha, Hindiya iyo Pakistaan. Shiinaha wuxuu sameystay 30 xabbo oo dheeraad ah oo hubka nukliyeerka, marka loo barbardhigo sannadkii la soo dhaafay.

Tirada guud ee hadda uu haystana waa 350 oo xabbo oo hubka nukliyeerka ah.

Halka Pakistaan ay sameysatay 5 xabbo oo cusub oo hubka nukliyeer ah, tirada guudna waxay u noqoneysaa 165 xabo hub nukliyeer ah.

Hindiya waxay sameysatay 6 xabbo oo dheeraad ah, guud ahaanna hubka nukliyeerka Hindiya wuxuu haatan garayaa 156 xabbo, sida lagu sheegay warbixinta SIPRI.

BBC