Shirka Qorshaha Istiraatiijiyada Wasaaradda Deegaanka Puntland oo lagu qabtay Garoowe (VIDEO+Sawirro)

Wasaaradda Deegaanka,Beeraha iyo Isbedelka Cimiladda Dowllada Puntand ayaa lagu qabtay shirka Wadatashiga Qorshaha Istiraatijida 2021-2025.

Shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiir Ku- xigeen Wasaaradda Deegaanka,Beeraha iyo Isbedelka Cimiladda Marwo Saynab ismaaciil Maxamed, Agaasiamaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaliya Nuur Yusuf Nuur oo ay Weheliyaan Agaasimaha Waaxda Qorshayta Mohamoud Yaasin Cartan iyo lataliyaal kale,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deeganka,Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Cadicasiis Nuur Cilmi ,Agaasimayasha Waaxaha Wasaradda Deeganka,Beeraha iyo Isbedelka Cimilada,Aqoonyahano,Beeralay,Haya’adaha kala duwan ee Dowladda, ardayda jamacadaha iyo dhamaan danayayaasha beeraha.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka,Beeraha iyo Isbedelka Cimiladda Cabdicasiis Nuur Cilmi koor ayaa ugu horayn soo dhowayay dhaman ka soo qayb galayaasha shirka sheegayna in ay muhiim tahay in helida istiraatijiyad koobaysa dhaman baahiyaha beeraha ee dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha ee dawlada federaalka ah Mudane, Nuur Yuusuf Nuur ayaa sidoo kale bogaadiyay hawl-wadeenada sheegayna in ay muhiim tahay in ka soo qayb galayaashu si hagar la’aan ah aqoontooda ula wadaagan khuburadda diyaarinaysa istiraatijiyada.

Ugu danbayn Waxaa shirka Furay Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Deeganka Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Marwo Saynab Ismaacil Maxamed “Tiimbiye” iyadoo khuburada ka qaybgalaysa shirka kula dardaarantay in ay soo saaraan qorshe istaraatijiyadeed uu dhigma waqtiga lagu jiro.