Wafti uu hoggaaminayo Madaxweynaha DDS oo ku wajahan Berbera

Madaxwaynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar iyo wafdi heer federaal ah oo uu hoggaaminayo ayaa kasoo ambabaxay Magaalada Jigjiga, iyaga oo ku wajahan magaalada Barbara oo ay ku tagi doonan diyaarad khaas ah.

Madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa ka qeyb-galaya xarig ka jarka Dekadda Magaalada Berbera oo dib u casriyayn ballaaran lagu sameeyay.

Wasiirka maaliyadda deegaanka Soomaalida Mubashir Dubbad Raage oo kamid ah Wafdiga Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida ayaa yiri.

“Waxaan u amba baxbay, Bar bara oo aan maanta ka qayb qaadanayno xaflada furitaanka dakada Bar bera, oo kamida mashruuca horumarineed ee loo yaqaan Kadinka Barbara. Waxay wax badan ka badalay saa xidhiidh ka soo jireenka, walaal tinimo, dhaqaale iyo bulsho re deegaanka Somaalida iyo Somaliland”.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo mas’uuliyiin kale oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib ayaa ka qeyb galaya munaasabadda xarig jarka ballaarinta lagu sameeyay dekadda Berbera