Khilaafka Itoobiya iyo Masar oo sii xoogeystay

Dowladda Masar ayaa waxa ay iskudayaysaa inay xoojiso awooddeeda diblumaasiyadeed iyo mid milateriba ee ay ku leedahay gudaha Afrika, xilli ay sare usii kacayso muranka kala dhaxeeya waddanka Itoobiya ee salka ku haya dhismaha biyo-xireenka ballaaran ee uu dalkaas ka dhisanayo Webiga Nile.

Ururka Juquraafi-yahannada Masar, ee la sameeyay 1875, ayaa waxa ay kaydiyeen dikumintiyo muhiim ah oo ka tarjumaya danta fog ee ay Masar ka leedahay dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika.

Waxaa dikumintiyadaas ka mid ah khariidad taariikhi ah oo muujinaysa in xuduudaha koonfureed ee Masar ay dhacaan Harada Victoria ee Bariga Afrika.

Ururka juquraafi-yahannada ayaa waxaa lagu sameeyay himilladii boqortooyada Masar ee mudada kooban jirtay, taas oo Suudaan hoos keentay maamulkii Masar, iskuna-dayday inay Itoobiya ku qabsato awood milateri intii u dhaxaysay 1874 illaa 1876. Arrintaas oo ku soo dhammaatay guuldarro bah-dilaad ah.

Ku dhawaad 70 sanadood kaddib, Masar waxa ay dib u saxday khaladaadkii boqortooyadeeda waa markii ay hoggaanka u noqotay dedaalladii loogaga soo horjeeday gumaystaha ee Afrika iyo goobaha ka baxsanba.