Madaxweyne Laftagareen oo gaaray Muqdisho (VIDEO+Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ah ka qeybgalka Shirka Ra’iisul Wasaaraha xukumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble uu ku casuumay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee la isaga wareysanayo howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan.