Axmed Madoobe oo hambalyo u diray Shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa hambalyo ku aadan xuska 26-June u diray Shacabka Soomaaliyeed.

Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Madaxweynaha Axmed Madoobe.

Waxaan dhammaan bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa sanad guurada 61-aad ee kasoo wareegtay maalintii ugu horeysay ee dhul Soomaaliyeed laga taago Calan Soomaaliyeed oo hoos u dhigay kii gumaystaha markaas oo Gobolada Waqooyi ee dalkeenu ay ka xoroobeen guumaystihii Ingiriiska.

Caawa waxaa inoo bilaabanaya todobaadka xoriyada dalkeena taas oo si weyn qalbiyadeena ugu dhigan.

Wali waxaa dalkeena ka jira xanuunka Covid19 waxaa qof walba oo ka qeybgalaya damaashadka iyo dabaal daga maalmahan qiimaha kale ay masuuliyad ka saaran tahay inuu ilaaliyo talooyinka khuburada caafimaadka

Hambalyo mar kale guud ahaan ummada Soomaaliyeed meel walba oo aad joogtaan, waxaan rajo weyn ka qabaa in wali uu noolyahay damiirkii iyo dun wanaagii lagu yaqiinay bulshada Soomaaliyeed ee gobanimada iyo dal jacaylka ku suntanaa.