Deni oo u diiday Muqdisho xubnaha Puntland ku matalaya Guddiyada Doorashooyinka!

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta ka degay magaaladda Muqdisho oo berri uu ka furmayo Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka.

Shirkan oo uu dhowaan iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble ayaa looga hadli doonaa waxyaabaha ka hirgalay heshiiskii 27-May ee Doorashooyinka iyo dardar-gelinta shaqooyinka haray.

Madaxweyne Deni oo la filayay inay safarkiisa ku wehlin doonaan xubnaha Puntland ku matalayay Guddiyada Doorashada ee labada heer ee kala ah Guddiyada Doorashooyinka Heer Dowlad-goboleed ( SEIT) iyo Guddiyada Doorashooyinka iyo Xallinta Khilaafaadka ee heer Federaal, ayaa la sheegay inuu iska reebay.

Said Abdullahi Deni oo dhowaan la kulmay xubnaha oo tiradoodu gaarayso 12, kuna matalaya Puntland 3 Guddi ayaa ku wargaliyay inay ka war sugaan ilaa inta si rasmi ah loo gudagalayo arrimaha doorashooyinka dalka, taas oo uu sheegay in ka jirto habacsanaan badan oo dhanka Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble.

Saraakiil katirsan Madaxtooyadda Puntland ayaa u sheegay Idilnews in Madaxweynaha Puntland uusan ku qanacsaneyn sida Ra’iisul Wasaare Roble uu wado howlaha doorashada iyo fulinta heshiiskii la gaaray 27-May, oo aysan wax badan ka fulin qodobadii la isla meel dhigay.