Guddoomiyaha Dhalinyarada iyo Cayaaraha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Faarax, ayaa maanta magacaabey guddiga horumarinta cayaaraha gobolka Mudug, kaas oo ka kooban 7 xubnood.
Guddigan ayaa shaqadiisa ugu horeysa ay noqon doontaa diyaarinta iyo qaban qaabadda Horyaalka kooxaha heerka koowaad ee gobolka Mudug oo loo qaban doono sideed kooxood.