Jowhar: Askar ku geeryootay rasaas ay isku weydaarsadeen xuska 26-June

Labour Askari ayaa ku geeryooday rasaas ay isweydaarsadeen Ciidammo katirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ilaalo ka hayay munaasabad lagu xusayay 26-June oo ku beegan 61 sanno-guuradii kasoo wareegtay xorowgii Gobalada Waqooyi ee Soomaaliya, taas oo lagu qabtay magaada Jowhar ee caasimadda Maamulka Hirshabelle.

Wararka goor hore ee xalay soo baxay ayaa sheegayay in rasaasta ay weeydaarsadeen labada Ciidan ee Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad & kuwa xoogga dalka.

Mas’uuliyiinta Sar sare Maamulka Hir-Shabeelle & laamaha amniga Magaalada Jowhar weli kama hadlin falkaan, hayeeshee dadka ku nool Magaalada Jowhar ayaa waxaa ay sheegeen inay cabsi dareemeen intii ay dhaceysay rasaasta.

Idilnews