Wasiiro katirsan Puntland oo qaraxyo lagula eegtay Buuraleyda Gobalka Bari

Wasiiro ka tirsan dawlada Puntland, Gudoomiyaha Gobolka Bari iyo Wafti la socday ayaa ka bad-baaday qarax loo geliyay wadada u dhaxaysa degmada Isku-shuban iyo Bali-dhidin ee Gobolka Bari.

Weerarkaan oo ahaa labo qarax oo kuwa wadada lagu aaso ah waxaa ku dhintay hal Askari, waxaana ku dhaawacmay laba Askari oo kale.

Weerarka Qaraxyada ah ayaa yimid xilli Waftiga oo booqasho ku marayay maalmihii ugu dambeeyay Gobalada Bari iyo Gardafuu, ay ku wajahnaayeen magaalada Boosaaso.

Idilnews