Madaxweynaha Puntland oo gaaray magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Muqdisho. Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan DFS ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Madaxweyne Deni ayaa kamid ah Madaxda ka qeybgalaysa Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka, kaas oo berri ka furmaya Muqdisho.

Shirkan oo uu dhowaan iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble ayaa looga hadli doonaa waxyaabaha ka hirgalay heshiiskii 27-May ee Doorashooyinka iyo dardar-gelinta shaqooyinka haray.

Idilnews