Madaxweyne Biixi “DF Soomaaliya cunaqabateyn dhaqaale ayay na saartay” (VIDEO)

Madaxweynaha Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi oo ka qeyb galay munaasabadda 26-ka Junne ayaa sheegay in muddadii ay jirtay Somaliland ay ku guuleysteen in la qabto Toddoba doorasho oo ay saddex madaxweyne  isku beddeleen si nabadgelyo ah oo qof iyo cod ah & laba gole oo Baarlamaan, isaga oo sheegay in aNabadgelyada Soomaliland dadaal farabadan lagu bixiyay.

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlayay arrmaha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in looga taag la’yahay kolba  shir ay u qabtaan dawlado shisheeye, kaas  oo uu sheegay in lagu soo magacaabayo dad faro-ku-tiris ahi inay madaxweyne iyo Baarlamaan doortaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliy ay dagaal qaawan kusoo qaadday Somaliland, dhinaca dhaqaalahana cunoqabatayn ka saartay, kana xayirtay 60 Milyan oo dollar, islamarkaana ay dagaal kale ka gashay horumarka Somaliland u soo kordha oo ay safka hore kaga jirto ballaarinta dekedda Berbera sida uu hadalka ku dhigay.