Mid kamid ah diyaaradaha waa weyn ee Ethiopian Airlines oo kasoo degtay Garoowe (Sawirro)

Mid kamid ah diyaaradaha waa weyn ee Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa maanta kasoo defray garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Diyaaradan oo ah Jet nooceeduna uu yahay Boeing 737-700, ayaa qaada 120 qof, Waxaana sidoo kale duulimaadyada diyaaradan ay meesha ka saari doontaa boorsooyinka ay diyaaradaha kale ee Shirkadda Ethiopian Airlines kasoo tagi jireen, sida uu sheegay Agaasimaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Osman A Yusuf.

Agaasime Xoosh ayaa intaas ku daray in diyaaradan ay duulimaadyo toos ah ka bilaabi doonto 15-July garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.